U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Ku Geeriyooday Dagaal Ka Dhacay Degmada Ceel-waaq ee Gedo

Sheeko:Dalka

CiidanSarkaaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday dagaal culus oo ka dhacay degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo.

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsanaa taaliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo Jeneraal Cabaas Ibraahim Gureey iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Ceel-waaq Sahal Macalin Aadan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in sarkaalka geeriyooday lagu magacaaabayay Faarax Cabdi, iyadoo sidoo kale dagaalkaasi ay askar kale waxyeelo kasoo gaartay.

Dagaalkaan ayaa dhacay ka dib markii Jeneraal Cabaas Ibraahim uu isku dayay in halkaasi uu ka sameeyo isbedal xagga maamulka ah, taasna ayy sababtay in iska horimaad uu kala kulmo gudoomiye ku xigeenka degmadaasi.

Xaaladda weli waa mid kacsan, waxaana shacabka ku dhaqan degmada Ceel-waaq ay yihiin kuwo ka baqaya in mar kale halkaasi dagaal uu ka dhaco.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.