Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Badda Oo Lagu Diley Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya xaafadda Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow lagu diley sarkaal ka tirsanaa ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Sarkaalkan la diley ayaa magaciisa lagu soo koobay Cantar, waxaana la sheegay in isaga oo ku sugan gurigiisa oo halkaasi ku yaallay ay soo weerareen Saddex qof oo bistoolado ku hubeysanaa.

Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in sarkaal Cantar uu marka hore iska difaacay dableydii soo weerartay oo uu mid kamid ahaa meesha ku diley, balse isna ugu dambeyn ay dileen Labadii kale ee soo hartay.

Waxaa goobta isaga baxsaday Labadii qof ee diley Sarkaalka, waxaase meesha yaalla meydka Sarkaal Cantar iyo qofkii kamid ahaa dableyda weerarka kusoo qaadey sarkaalka.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW