Sarkaal Ka Tirsanaa Jubbaland Oo Lagu Dilay Magaalada Kismaayo

Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ku dileen sarkaal ka tirsan maamulka Jubbaland.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabayay Xasan Dhuub ayaa ahaa taliyahii hore ee ciidanka asluubta maamulkaasi, iyadoo dilka uu ka dhacay Xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo, waxaana goobtaasi ka baxsaday ragii falkaasi ka dambeeyay.

Dilka ka dib waxaa halkaasi gaaray ciidamada amniga maamulka Jubbaland, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, hase ahaatee horay magaalada Kismaayo waxaa uga dhacay dilal sidaan oo kale ah.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW