U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Maanta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa maanta waxa ay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho ku dileen ruux ka shaqeynayay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Saciid Cali Saalax, waxaana la dilay xilli uu kasoo baxayay hoygiisa oo ku yaalla degmadaasi.

Halka lagu dilay Saciid ayaa aad ugu dhaw Masjidka Macalin Nuur ee degmada Dharkeenley, waxaana Goobta ka baxsaday raggii falkaasi ka dambeeyay.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka sameeyay howlgal aan dad lagu soo qaban.

Degmada Dharkeenleey ayaa horay sidaan oo kale waxaa loogu dilay xubno ka shaqeynayay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyo shaqsiyaad kale.

Goobjoog News