U bood dhigaalka

Sarkaal Kenyan ah oo maxkamad loo soo taagay laaluush uu ka qaatay haweeney Soomaali ah

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta maxkamad Nairobi ku taala lasoo taagay nin magaciisu yahay Paul Kuria Ngugi kaasi oo ka tirsan dowladda hoose ee Kenya, gaar ahaan gudiga cuqaasha ee ansixiya dadka qaadanaya waraaqaha aqoonsiga Kenya, kadib markii la sheegey in uu lacag ka qaatay haweeney Soomaali ah oo dooneysey in dad ehelkeeda ah loo gooyo waraaqaha aqoonsiga.

Sida ku cad galka dacwadda maxkamadda yaala, ninkani ayaa haweeneyda oo lagu magacaabo Rooda Maxamuud ka qaatay lacag dhan Sh20 kun oo lacagta dalkaasi ah.

Waxaa waraaqaha aqoonsiga loo jarayay 2 qof oo la dhalatay gabadhani oo lagu kala magacaabo Mowliid Maxamed Nuur iyo Najiib Maxamed.

Sida uu sheegey dacwad oogaha Daniel Karuri ninkani ayaa waxaa lasoo xirey kadib hawlgal baaris ah oo ay sameeyeen gudiga anshax-marinta iyo la dagaalka musuqmaasuqa.

Xaakim ayaa sargaalkani kusiidaayay damiin lacageed oo dhan Sh50 kun oo lacagta dalkaasi ah, balse laga qaado faraha iyo suulka si uusan u baxsanin.

Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya ayaa isku dayaya in ay qaataan waraaqda aqoonsiga Kenya, iyada oo xitaa dadka Soomaalida ah ee kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari ayay aad ugu adagtahay in ay sharciga Kenya helaan.

Goobjoog News