U bood dhigaalka

Sarkaal Maraykan Ah Oo Ka Sheekeeyay Weerarkii Dhiigga Badan Ku Daatay Ee California

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah saraakiishii ugu horreysay ee gurmadka u fidiyey weerarkii dhiigga badani uu ku daatay ee ka dhacay xarun dadka naafada ah lagu xanaaneeyo ee ku taalay gobolka California ayaa sheegay wixii uu kala kulmay goobta weerarka lagu qaaday in ay ahayeen dhacdo ay adagtahay in laga sheekeeyo.

Mike Madden ayaa warbaahinta u sheegay in indhihiisu ay qabteen dad badan oo meyd ah aadna u dhiig baxay iyo dad dhaawac qaba oo isku dayaya in ay la dagaalaan ragga toogashadda waday.

Saraakiisha police-ka gobolka kala California ayaa sheekay in weerarkan ay ka dambeeyeen nin iyo xaaskii, kuwaas oo ku toogtay 14 ruux dhaawacna u geystay 21 kale oo ku sugnaa magalada San Bernardino.

Police-ka ayaa farta ku goday in dhacdadan ay soo abaabuleyn Syed Rizwan Farook, 28, iyo Tashfeen Malik, 27, oo is qaba kuwaas oo markii dambe ku geeriyooday israsaaseyn Police-ka iyo iyaga dhex martay.

Saraakiisha ayaa xusay in goor dambe oo shalay ah laga helay  guriga ay daganaayeen labadan ruux Bambooyin, Qoryo iyo rasaas aad u fara badan.

Masuuliyiinta California ayaa wali baaraya dareenkii ku xambaaray dadkii weerarkan geysaty in bartilmaameyd ay ka dhigtaan xarun dadka baahiyaha gaarka ah qaba lagu daryeelo.

Weerarkan ayaa noqday kii ugu dhiig daadashada badnaa tan iyo 2012 xiligaas oo 26 ruux lagu qaarijiyey iskuul ku yaalay magaladda Newtown.