U bood dhigaalka

Sarkaal Soomaali Mareykan Ah Oo Lagu Xukumay 12 Sano Oo Xabsi Ah.

Sheeko:Dalka

Sarkaal hore uga tirsanaa boliiska magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo Maxamed Nuur ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah kaddib markii uu toogasho ku dilay haweeney caddaan ah taasoo Maxamed soo wacday si ay ugu sheegto weerar xagga jinsiga ah oo ka dhacay meel u dhaw gurigeeda sannadkii 2017.

Maxamed Nuur, oo jawaab ka bixinayey sida arrintaan u dhacday ayaa sheegay inuu ka shakiyey Justine Ruszczyk markii ay u soo dhawaatay gaarigii ay wateen wuxuuna intaas ku daray inuu naftiisa u cabsaday maaddaama gaariga uu yaallay meel cidlo ah.

Guddi ay ka mid yihiin xeer ilaalin ayaa bishii April ku helay 33 jirkaan lagu magacaabo Maxamed Nuur eedeymo la xiriira dilka gabadhan laakiin waxay intaas ku dareen in Maxamed uusan dilka u geysan si ula-kac ah. Xeer ilaalintu waxay sheegeen maaddaama dilku u dhacay si aan ku-tala-gal ahayn in Maxamed uusan dambi lahayn.

Saraakiisha magaalada Minneapolis ayaa horey ugu dabbaal-degay guushii uu gaaray Maxamed Nuur markii uu noqday muwaaddinkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey kaasoo boliis ka noqda Minneapolis xilli ay la hadlayeen dadweyne Soomaaliyeed.

Maxamed ayaa hadda noqonaya sarkaalkii ugu horreeyey ee Minneapolis oo lagu helo dambi dil ah isagoo shaqadiisa gudanaya. Intii lagu guda-jiray maxkamadeyntiisa, Maxamed wuxuu ka hadlay sidii xaaladdu ahayd markii uu dilayey gabadhan afartan jirka ah oo laba bil kaddib  guursan rabtay markii la dilay.

“Haddii aan ogahay in arrintan dhaceyso, Marnaba ma noqon lahayn boliis,” Nuur ayaa ka hor sheegay xeer ilaalinta. Isagoo raaligelin ka bixiyey dhacdada ay ku dhimatay Justine Ruszczyk.

“Aniga ayaa sabab u ah masiibadan waana mid culeys igu haysa,” ayaa u sheegay maxkamadda. “Waxaan rajeynayaa inaan ka nafisi doono culeyskaas oo dad kalena ila dareemayaan qasaaraha aan sababta u ahay. Waa mid aad ii xanuujineysa dhab ahaantii,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Nuur.

Maxamed Nuur wuxuu sheegay in waqtiga uu dilka geysanayey uu aamminsanaa inuu iska difaacayey Qatar kusoo socotay oo ujeedkiisu ahaa inuu ka hortago qatartaas sida uu ka hor sheegay maxkamadda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu qiray inkastoo uusan u jeedin wax hub ah oo gacanta gabadha ku jira laakiin ay dhici kartay inay gacanta ku wadatay hub oo ay u geysan kartay Qatar ay u dhiman kareen taasina ay keentay inuu xabbad ku rido Justine Ruszczyk.

Aabbaha dhalay Justine Ruszczyk ayaa ku sheegay dilka gabadhiisa ficil aad u xun oo uu geystay nin wakiil uga ah qaranka. Don Damond, oo ah wiilkii ay isjeclaayeen Justine oo isna ka hor hadlay maxkamadda ayaa ku celceliyey sida uu u waayey gabadhii uu jeclaa.

Markii Maxamed lagu helay dambiga bishii April qoyska iyo qaraabada Justine aad ayey u soo dhaweeyeen sida dacwaddu u dhacday laakiin qoyska Maxamed ayaa aad uga xumaaday sida loola dhaqmay wiilkooda dilka kaddib iyo intii ay socotay maxkamadda. “Waxaan la ilmeynayaa sida dacwadda loo maareeyey. Waxa dhacay waa caddaalad darro. Waa arrin laga naxo Ina-adeerkey ma uusan helin maxkamad caddaalad ah.” ayuu yiri qof ka tirsan qoyska Maxamed.

Sarkaalkan lagu magacaabo Maxamed Nuur ee ka tirsanaa boliiska Minnesota ayaa noqonaya boliiskii ugu horreeyey ee taariikhda lagu helo fal dil ah.