U bood dhigaalka

Sarkaal Xarakada Al-shabaab u Qaabilsanaa Dhanka Sirdoonka Oo Dowladda Isku Dhiibay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

ShabaabWararka laga helayo degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo waxa ay sheegayaan in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab uu is ku soo dhiibay ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan deegaankaasi.

Sarkaalkaan ayaa lagu magacaabaa Sakariye Ismaaciil islamarkaana uu la socdo darawal gaariga u waday ayaa la xaqiijiyay in barqanimadii maanta uu isku dhiibay ciidmada dowlada ee gobolka Gedo ka dib xiriiro uu la sameeyay saraakiisha ciidamadaasi.

Sakariye ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka sirdoonka, waxaana uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ay sida weyn u baadi goobayeen dowladaha reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka.

Korneel Xasan Cabdi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobalka Gedo ayaa si kooban Goobjoog ugu sheegay sarkaalkaan iyo qaabka uu isku soo dhiibay, waxaana uu tilmaamay in haatan ay gacanta ku hayaan saraakiisha ciidamada dowaldda.

“Waxaa is soo dhiibay ninkii la oran jiray Sakariye waxaana la socda Hal shaqsi oo darawalkiisa ah, saaka ayuu Ceel-waaq soo gaaray, waxaana gacanta ku haya sarkaalka ciidamada ee haysta gobalka Gedo Jeneraal Cabaas” ayuu yiri Korneel Xasan Cabdi.

Dhanka kale ciidamada Kenya ee ku sugan gobalka Gedo ayaa ka dalbaday saraakiisha ciidamada dowladda in sarkaalkaasi ay kusoo wareejiyaan, hase ahaatee waa ay ka biya diideen.

Tani ayaa imaanaysa Xilli Hogaamiyahii Al-shabaab u qaabilsanaan jiray Buuraleyda Gal-gala ee gobalka Bari uu dowladda Federaalka isku soo dhiibay 7-dii June sanadkaan 2014, iyadoo dhanka cunaqabateynta ay ka qaadeen golaha amaanka 20 December 2014.

Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in ay soo dhaweyn doonto cid walba oo Soomaaliyeed islamarkaana kasoo baxda Al-shabaab.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News