U bood dhigaalka

Save to Facebook waa adeeg ay soo kordhisay shirkadda Facebook

Sheeko:Dalka

Facebook waxaa ay maalin walba soo kordhisaa adeegyo cusub, Save to Facebook waa adeeg kale oo awood kuu siinaya in aad keydiso bogga aad xiiseyneyso si aad u akhriso xiliga aad jeceshahay.

Adeeggan waxaa kaloo xiiso galinaya in boggaga aad keydisay uu yahay mid adiga keliya aad arki karto.

Waxaa uu sidoo kale ku xasuusinayaa in maalinta aad keydisay, warkan ama maqaalkan ama sheekadan, adigoo akhrisan kara xiliga aad doonto.

Horay dadka fursad uma heli jirin ama waa adkeyd in ay dib u arkaan qoraan Facebook ku jira, qofka inta uu Facebook ku jira waxaa uu arkayaa qoraalo, Vedios, Sawirro iyo barnaamijyo aad u xiiso badan, kuwaas uu jeclaan lahaa in uu keydsado in uu arko, daawado ama u akhristo waqtiga uu firaaqada leeyahay.

Haddii arrintaas aad horay ugu riyoon jirtay hadda waxaa kuu keentay shirkadda koobaad ee tecknolijiyadda ee Facebook.

Dadkan ka faalooda Tecknlojiyadda waxaa ay sheegayaan in Facebook ay maalin walba soo bandhigto adeeg ay ku qabsameyso suuqa Tecknolijiyadda caalamka.

Goobjoog News