U bood dhigaalka

Sawiro: Dab Ka Kacay Warshad Ku Taalla Boosaaso

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goordhaw uu dab xooggan ka kacay warshad sameysa Isbuunyada oo ku taalla gudaha magaalada Boosaaso.

Warshadda dabka uu ka kacay oo lagu magacaabo Tabaarak ayaa farsameysa isbuunyada barkiba, joodariyada iyo adeegyada kale ee loo adeegsado Isbuunyada.

Dabka ayaa ka kacay gudaha warshadda, illa iyo hadda ma cadda waxa rasmiga ah ee uu dabka ka kacay warshadda uu ka dhashay.

Dadka shacabka iyo gadiidka dab damiska ayaa gurmad weli ugu jira sidii ay u damin lahaayen dabka kacay warshadda.

Goobjoog News