U bood dhigaalka

Sawiro: Dagaal Boosaaso Maalintii Labaad Ka Socda

Sheeko:Amniga

Waxaa maalintii labaad galay dagaalka u dhaxeeyo ciidamada PSF iyo maamulka madaxweyne Deni ee ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Sawiro laga soo qaaday magaalada ayaa muujinaya hakad ku yimid isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada, xilli xaafadaha qaar ay labada ciidan isku hor fadhiyaan.

Xaafadda Suweyto oo ka mid ah goobaha dagaalka sida gaarka ah uga socdo ayaa lagu soo waramaya in ay weli ku jiraan dad shacab ah oo ku go’doomay dagaalka labada ciidan ee Puntland kawada tirsan.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa saacadihii la soo dhaafay aad  u sii kordhayay, xilli labada dhinac aysan dagaalka joojin.

Waxaa maagalada Garowe iyo Boosaasa ka soconaya dadaallo ay wadaan siyaasiyiinta iyo isimada Puntland oo xal loogu raadinayo dagaalka Boosaaso ku dhexmaraya Madaxweyne Deni iyo PSF.

Sawirada Ay Goobjoog Ka Heshay Xaafadaha Dagaalka Uu Ka Socdo