U bood dhigaalka

Sawiro: Guudlaawe Oo Lagu Soo Dhaweeyay Baladweyne

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta oo Axad ah markii ugu horeysay ay u suura gashay in uu tago magaalada Baladweyne.

Guudlaawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo kan Hiiraan.

Socdaalka ayaa yimid xilli weli xaaladda magaalada ay cakiran tahay, waxaana wararka ay sheegayaan in khilaafka uu sii xoogeysto.

Hoolka weyn ee xarunta magaalada ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran madaxweynaha ugu sameeyay xubna ka tirsan maamaaulka gobalka Hiiraan.

Dadka dega gobalka Hiiraan ayaa tan iyo doorashadiisii diidanaa in magaalada uu yimaado Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana tan iyo xilligaas magaalada ka taagnaa khilaaf sababay in dhowr jeer gacan ku heynta magaalada lagala wareego maamulka Hirshabeelle.

Sawiro Soo dhaweynta Guudlaawe