U bood dhigaalka

SAWIRO: Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo duhurnimadii maanta ka dhacay wadada 21- october ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan UN-ka.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 12 qof oo isugu jira shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay, halka tira intaas ka badan uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

Dhanka kale qaraxa ayaa waxaa ku burburay guryo iyo hanti u badan gaadiid ka agdhawaa meesha uu qaraxa ka dhacay.