U bood dhigaalka

Sawiro: Soo Dhaweynta Axmed Madoobe, Akhriso Ujeedka Safarkiisa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbalanad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland.

Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caasimadda Puntland ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad gobaleedkaas Saciid Cabdullahi Deni.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulan horudhac iyo salaan la qaatay dhigiisa Deni iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweyne ku-xigeenka Puntland Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garowe waxa ay Deni kawada hadli doonaan arrimo ku saabsan doorashooyinka dalka ka socda.

Goobjoog News