U bood dhigaalka

Sawirro: 20 Kun Oo Qoys Oo Ay Dhibaato Banii’aadnimmo Ku Heysato Jalalaqsi

Sheeko:Dalka

In ka badan 20 kun oo qoys ayaa la sheegayaa in ay ka baro-kaceen magaalada Jalalaqsi, kuwaas oo dhibaato banii’aadnimmo ku heyso hareeraha magaaladaasi ka tirsan gobolka Hiiraan.

Magaalada lama geli karo, oo waxaa hareereeyay biyaha webiga Shabeelle, dadka ayaa waxaa ay bannaanka magaalada ka dhisteen aqallo ka sameysay bacaha iyo qoryaha.

Maxamed Ganey, guddoomiyaha magaalada oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay in dadka ay heyso dhibaato banii’aadnimmo , isaga oo intaasi raaciyay in dadka ka qaxeen gudaha magaalada.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa todobaadkii hore gaarsiiyay $50 kun, taasi oo aan waxbo ka tareyn baahida halkaasi ka jirta.

Dhinaca kale, marka laga soo tago dhibaatada fatahaadda Jalalaqsi waxaa ay ka mid tahay magaalada ka go’doosan Xamar, oo miyiga waxaa ka taliya xarakada Al-shabaab.

Jalalaqsi keliya ma aha meelaga dhibaatada banii’aadnimmo ka jiro ee gobolka Hiiraan, waxaa sidoo kale dhibaato intan ka badan ay ka jirtaa magaalooyinka Baladweyn iyo Buulo-barde oo labadada biyaha go’doomiyeen halka gargaarka gaara uu aad u yar yahay.

Goobjoog News

Sawirradan Waxaa Xuquuqdooda Iska Leh Goobjoog News