U bood dhigaalka

Sawirro: Axmed Madoobe Oo La Kulmay Xildhibaannada Baarlamaanka Labaad Ee Jubbaland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kana mid ah musharraxiinta u taagan qabashada xilkan ayaa wuxuu xalay la kulmay xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka Labaad Jubbaland.

Axmed Madoobe oo mid ka mid ah Hoteellada Kismaayo kula kulmay xildhibaannadan ayaa kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashada.

Wuxuu ka codsaday xildhibaannada in ay codkooda siiyaan si markiisii Saddexaad uu u noqdo madaxweynaha Jubbaland, wax-qabad muuqdana uu la yimaado.

Kulan oo ay ku sugnaayeen guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa dhanka kale waxaa looga hadlay sidii ay si nabad oo cadaalad ah ugu dhici lahayd doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Goobjoog News