U bood dhigaalka

Sawirro: Booliiska Oo Soo Bandhigay Rag La Sheegay In Muqdisho Ku Daadin Jireen Warqado Lagu Cabsi Gelinayo Shacabka

Sheeko:Dalka

Taliska Booliiska Soomaaliyeed dugsiga Jeneraal  Kaahiye ee magaalada Muqdisho waxay kusoo bandhigeen Seddex qof oo la sheegay in magaalada Muqdisho ay ku daadin jireen warqado dadka lagu qalqal gelinayo.

Goobta raggan lagu soo bandhigayey waxaa ku sugnaa wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow iyo saraakiisha ciidanka Booliiska.

Raggan lasoo bandhigay waxaa sidoo kalel lala soo bandhigay qalabka wax lagu daabaco oo la sheegay in howlahan ay u isticmaali jireen.

Ciidamada ammaanka waxay Raggan kasoo qabteen degmada Dharkeenley oo ay ku taallay madbacaddii wax lagu daabici jiray.

Saraakiisha ciidanka Booliiska ayaa sheegay in baaritaan lagu sii sameyn doono raggan.

07 006 005 004 003 002 001

Goobjog News