U bood dhigaalka

Sawirro: Ciidamada Dowladda Oo Qabtay Rag Dhac Ka Geysanayey Degmada Yaaqshiid, Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay iney xalay gacanta ku dhigaan Saddex nin oo la sheegay iney dhacayeen dadka shacabka ee ku dhaqan degmada Yaaqshiid, iyaga oo watey Qori Ak-47 iyo sidoo kale mootada  loo yaqaano Bajaaj ee Saddexda lug leh.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inuu baxsaday nin kale oo la socday raggan la qabtay, waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray mid kamid ah raggii wax dhacayey ee ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen.

Warbaahinta waxaa loo soo bandhigay Qorigii ay raggan dadka ku dhacayeen, Mootadii ay wateen iyo sidoo kale 12 Taleefannada gacanta ah oo ay dad shacab ah kasoo qaateen.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi oo gaaray degmada Yaaqshiid ayaa ugu horreyn u mahadceliyey ciidanka howlgalkaan sameeyay, maamulka degmada iyo shacabkii kaalinta ka qaatay in raggaasi lasoo qabto.

Waxa ay sheegeen in cadaaladda lahorgeyn doono raggan, islamarkaana sharciga wixii uu qabo lagu qaadi doono.

Goobjoog News 112 113 114