U bood dhigaalka

Sawirro: Daahfurka INDSOM CHAMBER OF COMMERCE ee Iskaashiga Ganacsi ee Soomaaliya iyo India.

Sheeko:Amniga

Waxaa lagu daah furay magaalada Hyderabad ee dalka  India, barnaamijak INDSOM CHAMBER OF COMMERCE oo noqon doono platform kii ugu horeeye ee ka shaqeyn doona isku xirka iyo iskaashiga ganacsi ee Somalia iyo India.

 Platform ka ayaa waxaa aas-aasay dhallinyaro ganacsato ah oo isugu jira Soomaali iyo Hindi.  Mudane Dr lion kiron oo ah masuulka ugu sarreeya  iskaashigan IndSom ayaa xaflada daahfurka kuso dhaweeye madaxda kasoo qeyb gashay iyo marti sharaftii kale.

 Cabdifitaax Maxamuud Maxamed oo ah masuulka ugu sarreeya Barnaamijkan ah iskaashiga ganacsi ee dhanka Soomaaliya ayaa sheegay in India iyo Soomaaliya ay yihiin bulshooyin wadaaga ganacsi taasina ay qasabtay iney Chamber kan la daah furo.

Waxaa xafladda kaga qeyb galay si fogaan arag ah madax Soomaaliyeed oo uu kamid yahay Xil. Abdiweli Mohamed Qanyare iyo amb Mohamed Ali America.

 Waxaa sidoo kale xaflada goob joog ka ahaa agaasimaha wasarada ganacsiga iyo warshadaha Hindiya Mudane Jayesh Ranjan.

Goobjoog News