U bood dhigaalka

Sawirro: Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhashay Roobka Xamar

Sheeko:Amniga
Roob xooganaa oo shalay galinkii danbe ilaa waabarigii ka da’ayey gudaha iyo hareeraha caasimadda Muqdisho, ayaa waxaa uu ka geystay saameyn badan oo isugu  jirta  mid nafeed  iyo weliba burbur soo gaaray guryo iyo waddooyinka qaar ee magaalada.

Inta la xaqiijiyey ilaa 2 ruux ayaa ku geeriyootay laba kala waxaa soo gaaray dhaawac kadib  markii daad xoogan uu ku qaaday Laami yaraha  Zoope ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir, ka dib markii ar is ku dayeen Mooto ay wateen in ay Laamiga uga gudbaan, ayaa waxaa ku yimid daad xoogan kaas  oo qaaday ka dibna sababay in ay geeriyoodaan.

Sidoo  hal ruux ayaa ku geeriyooday 2 kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo ka dib markii uu ku soo dumay dhisma qadiimi ah oo ay laheyd wasaaradda arrimaha guda dalka oo ay deegaan sanaayeen intii dalka uu burbursanaa kuna taalla degmada Boondheere ee goblaka Banaadir.
Dhinaca kale Roobabka ayaa saameyn  badan waxaa ay ku yeesheen dadka Barakacaaasha kuwaas oo  deegaansanaya gudaha iyo daafaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaana soo gaara Khasaare kale duwan mar waliba oo ay roobab da’aan maadaama aysan heysan guryo ay ka galaan qaboogiyo iyo daadka ka dhasha biyaha Roobka uu dhigo.
Dhanka kale, roobabka ayaa khasaare xoogan waxaa ay u geysteen dhismaha wadada Shaqaalaha taas oo roobka uu dumiyey inta ugu badan, wadada oo dhawaan la dhisay ayaa waxaa ay is ku badashay boholo waaweyn oo Roobka uu ka qoday wadada.
Ugu danbeyn xubno ka tirsan maamulka  gobalka Banaadir oo hoggaaminaayey guddoomiye Cumar Maxamuud Cumar Filish iyo ku xigeenadiisa, ayaa gobalka waxaa ay habeenimadii xalay ku sameeyeen kormeer ay ugu suura galyeen saameenta uu yeeshay roobka ayagoona booday degmmooyinka uu gobalka ka kooban yahay.No photo description available.
Image may contain: basketball court, night and outdoor
Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: one or more people, outdoor and water
Image may contain: night and outdoor
Image may contain: night and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: 3 people, people smiling, people standing
Image may contain: 7 people, people standing and night
Image may contain: night and outdoor
Goobjoog News