U bood dhigaalka

Sawirro: Dowladda Uganda Oo Ciidamo Cusub Usoo Dirtay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Ugadan ayaa ciidamo cusub waxay usoo dirtay Soomaaliya si ay uga qeyb noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamadan ayaa bedalay ciidamo Uganda ka joogay Soomaaliya, waxaana ay ciidanka la bedalay ka tirsanaayeen kooxda 19-aad.

Saraakiil u hadashay AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadan cusub ee kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay ku biiri doonaan kooxda 22-aad ee ciidanka AMISOM, kuwaasi oo ka howlgala gobolka Shabellaha Hoose.

Brigadier Muhanga oo ka mid ah Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in ciidanka la bedalay ay dalka joogeen Hal sano, kuwaanna ay qaban doonaan howlaha ay kala wareegeen ciidankaasi.

“Kooxadan cusub waxaan u rajeyneynaa iney ka wanaagsanaan doonaan kuwii hore ee shaqeynayey oo dalkan ka qabtay shaqo aad u muhiim ah, kana shaqeyn doonaan ammaanka, horumarinta amniga ayna la dagaallami doonaan Al-shabaab, sidoo kalena ay caawin doonaan ciidamada dowladda Federaalka” ayuu yiri Muhanga.

Dalalka Soomaaliya ay ka joogaan ciidamada ayaa isbedal ku sameeya ciidamadooda Sanadkiiba mar, waxaana la keenaa kuwo hor leh oo shaqada halkeeda kasii wada.

Goobjoog News

AMISOM7 AMISOM6 AMISOM5 AMISOM4 AMISOM23 AMISOM2 AMISOM1