U bood dhigaalka

Sawirro:-Gurbiye iyo Abuuja Oo Xarigoodii Uga Hadlay Tababarka “Suxufiyiinta Soomaaliyeed & Nidaamka Cadaaladda”

Sheeko:Amniga

Tababar ay soo qabanqaabiyeen Goobjoog Media Group iyo  hey’adda qareenada Garmaal ayey maanta markii ugu horeysay waxaa xarigoodii sharci darrada ahaa ka hadlay weriyeyaasha Cabdicaziz Gurbiye iyo Maxamed Abuuja oo 4 bil iyo 5 bil sida ay u kala horeeyaan ugu xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo la xiriiray “Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo nidaamka cadaaladda Soomaaliya” ayaa Xasan Maxamuud oo ah agaasimaha Goobjoog Media Group oo ugu horeyntii waxaa uu ka hadlay ujeedka tababarka isaga oo sheegay in siminaarkan uu imaanayo kadib ansixinta xeerka saxaafadda, loona baahan yahay in weriyaha uu la socday sida u shaqeeyo nidaamka cadaaladda.

Agaasime Xasan oo hadlaya waxaa uu yiri “ Waxaan isugu kiin wacnay inaad wax ka ogaataan xilli la isku qabsan doono eray aad dhahay, si aad u fahamtaan, horta maxaa xaq u leedahay, side isku difaacee marka aad garsoore hor tagto, marka xeer ilaalin ku wareysaneyso, side ula macaamilee abuukaartahaaga, maxaa lagu dhihi doonaa, ma lagu handadi doonaa” Isaga oo intaa raaciyey “Weriyeyaal badan ayaa la xiraa, weriyaha waxaa u dhaarsan dadka uu dantooda ka shaqeynayo, waa tii abwaan Gaariye yiri “ Qof aad u hadleysid ayaa hadana Toorey dhabarka kaaga dhufanaya”.

Abuukaate Maxamed Genboon oo casharka bixiyey ayaa ku dheeraaday nidaamka cadaaladda, xuquuqda dastuuriga ah ee saxafiga, side loola dhaqmaa booliiska, xeer ilaalinta, maxkamadaha iyo xataa qareennada.

Maxamed Genboon waxaa uu sheegay in booliiska ay shaqadoodu tahay fulinta amarka sida xariga, barista ama xayiraadda goob ama qof iyo u gudbinta xafiiska xeer ilaalinta iyo xeer ilaalinta ay korjoogeyneyso hawlaha booliiska iyo in dacwad u gudbiso maxkamadda halka maxkamadda ay soo saarto amarka hirgelinta nidaamka cadaaladda, dhageysiga dacwadda iyo xaqiijinta in dhinacyada u hoggaansameen xeerka.

Dhanka kale, Qareen Maxamed Genboon waxaa uu ku taliyey in maslaxadda ku jirto in qareen la qabsado, in aan lagu qasbaneyn  haba yaraatee in warqad la saxiixo sida qiraal iyo in booliis ama xeer ilaalin midna aanu shaqeyn danta maxbuuska.

Tifaftiraha Hiigsi Radio Maxamed Abuuja oo muddo 5 bil ka badan u xirnaa Al-shabaabnimo ayaa ka sheekeeyey in lagu xiray gudaha madaxtooyada, baaristii kala duwaneyd ee la marsiiyey, sida loo handaday, hadaladiisa waxaa ka mid ahaa “ Waxaa lagu leeyahay waxaa tahay Al-shabaab, ma ahi, xadiis ayaa lagu soo qaadanaa, laakin run ma aha, aniga waa fahamsanahay xadiiska iyo aayadaha, oo waxaan ahaa xerta Macalin Nuur, waxa uu idhahay waan ku badbaadineynaa 90%, dambi haddii aad gashay xataa innaga ayaa ku badbaadineyno,  aniga ma ii gambanaa nin baare ah?, waxaan ku dhahay badbaado ilaahey ayaan ka rabaa, waxaa uu dhahay wixii aan ku dhaho “Haa dheh” garaado ayuu ku raadinaa” isaga oo ku dheeraaday sheekada xabsiga ilaa laga soo daayey, oo dambi lagu waayey.

Dhankiisa, Cabdicaziz Gurbiye oo ah tifaftitaha guud ee Goobjoog ayaa isna saxafiyiinta Soomaaliyeed la wadaagay kiiskii siyaasadeysnaa ee sida gardarada ah loo xiray, sida loogu oogay qodobbo aanu galabsan oo danta laga lahaa ay tahay caburinta saxaafadda, xuriyadda hadalka iyo cabsi gelin isaga oo weriyeyaasha ku dhiirigeliyey in aan marnaba laga gorgortamin shaqada, shacabkana afhayeen loo noqdo, loona dhabar adeygo xagxagashada regime-ka.

Mudane Cabdicaziz Gurbiye waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Xuriyadda saxaafadda waxaa kafaalo qaaday dastuurka sida Qodobka 18aad. Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta iyo  Qodobka 32aad. Xaqa helidda macluumaadka, xeerarka saxaafadda u gaarka ah iyo The Universal Declaration of Human Rights. Laakin cid ka gortameysa haddii aad aragto waa keligiitalis”. Isaga oo u mahadceliyey saxafiyiinta iyo shacabkii regime-ka ku dhegay, kuna cadaadiyey inuu soo daayo, kana haro saxafi codkooda ah.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarkii Ay Qabatay Warbaahinta Goobjoog Media Group

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/3865127086836153/

Goobjoog News