U bood dhigaalka

Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Helay Qaraxa Saldhigga Degmada Waaberi

Sheeko:Dalka

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa maanta ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinaya burbuka iyo khasaaraha uu geystay qaraxan, waxaana qaraxa fuliyey qof naftii hure ah oo gaariga ku dhuftay albaabka saldhigga Waaberi.

Weli tiro sax ah lagama hayo dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxan, balse goobta waxaa gaaray gaadiidka gurmadka oo dhaawacyo badan daabulay.

Saldhigga Waaberi ayaa saaran wadada Makka Al-mukarrama, halkaasina waa meel aad u mashquul ah, waxaana jira burbur soo gaaray saldhigga iyo guryaha ku dhow.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

 

Q9 Q8 Q7 Q6 Q5 Q4 Q3 Q2 Q1