U bood dhigaalka

Sawirro: Khasaaraha Ka Dhashay Labo Qarax Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Labo qarax oo Ismiidaamin ah kuwaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Qaraxii Koowaad ayaa saakay waxa uu ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan bannaanka hore ee Warshaddii Nacnaca, halkaas oo ay ku xarreysan yihiin ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya.

Qaraxan ayaa naloo xaqiijiyey in Hal ruux uu ku geeriyoodey, waxaana ku dhaawacmay Afar qof kale oo la geeyey Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana mid kamid ah dadka dhaawacmay la sheegay in xaaladdiisa caafimaad halis tahay.

Saacado kadib waxaa qarax Labaad uu ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga hotelka Wehliye oo ku dhow Isgoyska Dabka.

Warar kala duwan ayaa qaraxan kasoo baxayey, waxaana fuliyey shaqsi saarnaa gaari nooca raaxada ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lagu fuliyey lagu dhuftay gaari halkaasi marayey oo la tilmaamay inuu saarnaa mas’uul ka tirsan dowladda, balse aan weli xog dhab ah laga hayn, waxaase gaarigaasi ku dhintey darawalkii wadey.

Ku dhowaad 10 ruux ayaa qaraxaasi ku geeriyootey, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 20 sida ay soo sheegeen wariyeyaal ka tirsan Goobjoog, oo halkaasi gaaray.

4 qof oo Meyd ah iyo 15 qof oo dhaawac ah ayaa la geeyey Isbitaalka Madiina sida ay Goobjoog u xaqiijisay madaxa caafimaadka isbitaalka Madiina, Duniya Cali Maxamed.

Duniya ayaa sheegtay in sidoo kale ay jiraan dad qabay dhaawacyo fudud oo markii adeegyo caafimaad loo fuliyey kadib dib loogu celiyey guryahooda, balse tirada dadka la celiyey ma aaney sheegin.

Khasaaraha Hantiyeed

Khasaare hantiyeed oo aad u badan ayaa ka dhashay qaraxii Labaad ee maanta ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku yaallay xarumo badan oo ganacsi.

Sida ka muuqato sawirrada hoose waxaa halkaasi ku burburay xarumo ganacsi oo weli tirakoob rasmi ah lagu sameyn, dhismayaal dhowaan dib u habeyn lagu sameeyey kadib markii uu saameeyey qaraxii Hoteel Dayax lagu qaaday January 25 2017.

Gaadiid nooca raaxada ah, kuwa dadweynaha iyo sidoo kale Mootooyinka Bajaajta ayaa halkaasi ku burburay.

Marka laga reebo saraakiil ciidan oo kormeertay meelaha ay maanta qaraxyadan ka dhaceen weli ma  jirto mas’uul oo dowladda Federaalka ah oo ka hadlay qaraxyada.

February, 19, 2017, qarax gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo godey ee degmada Wadajir, waxaana halkaasi ku dhintey ugu yaraan 30 qof oo shacab ah, 40-kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Sanadkan 2017, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay 20 qarax oo qaarkood ay yihiin kuwo lagu xirey gaadiid, qaar loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyey iyo kuwo ay weeraro toos ah la socdeen.

Hoos ka daawo sawirada

Sawir Qaade: Maxamed Salaad Cismaan

KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera