U bood dhigaalka

Sawirro: Lacago Been Abuur Ah Oo Lagu Qabtay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Ciidamada Puntland ayaa maanta waxay Koontaroolka Boosaaso ku qabteen gaari siday lacag shilin Soomaali ah, islamarkaana ah mid been abuur ah oo la doonayey in magaaladaasi la geliyo.

Waxay ciidanka qabteen gaarigaasi iyo sidoo  kale dadkii la socday, waxaana saxaafadda loo soo bandhigay lacagtaasi.

Lacagta ayaa lagu soo dhex shubay fuusto kuwa shidaalka lagu keeno ah, hase ahaatee baaritaan ay ciidanka sameeyeen kadib ayaa la helay lacagtaan.

Saraakiil u hadashay Booliiska Boosaaso ayaa sheegeen in ay wadaan baaritaanno, islamarkaana  dadka lacagtaasi waday ay cadaaladda horkeeni doonaan.

Maamulka Puntland ayaa horey uga digay in deegaannada maamulkaasi la geeyo lacagaha been abuurka ah, kadib sicir barar ka dhacay deegaannada Puntland.

Halkaan hoose ka arag sawirada:

03 02 01