U bood dhigaalka

Sawirro: Maamulka Degmada Hodon Oo Ka Warbixiyey Dhismaha Wadada 30-ka

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Hodon ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey dhismaha wadada 30-ka ee magaalada Muqdisho, taasi oo si rasmi ah u socota.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Axmed Cantoobo oo la hadlay Goobjoog, ayaa sheegay in dhismaha wadadan ay muhiimad gaar ah u leedahay shacabka deggan degmadiisa.

Inkastoo wadadan ay degmooyin badan mari doonto ayaa hadana waxa uu dhismaha marayaa Inta u dhaxeysa Warshaddii caanaha iyo Isgoyska Al-baraka ee degmada Hodon.

“Dad badan ayaa moodayey in dhagax dhig kaliya ahayd, balse shaqadii waa ay socotaa, Marshabiyeedigii waa inoo dhisan yahay, waxaana dhismaha wadadan iska kaashanaya maamulka gobolka iyo ganacsato Soomaaliyeed, waxaan rajeyneynaa iney dib usoo noqoto bilicdii iyo ganacsigii lagu yaqaanay degmadaasi” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Hodon.

Maamulka shirkadda Kulmiye oo dhismaha wadadani gacanta ku haya ayaa sheegay in muddo Lix bil ah ay socon doonto dhismaha wadadan, islamarkaana la dhisayo 5.5 KM oo Labo dhinac ah, taas oo ka dhigan 11 KM oo laami ah.

Dadka ku ganacsada hareeraha wadada 30-ka ee magaalada Muqdisho ayaa qaba in tani ay waxbadan  ka bedali doonto muuqaalka guud ee wadada sidoo kalena isbedal uu ku imaan doono ganacsigooda.

Todobaad kahor waxaa wadadani dhagax dhigay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi.

Goobjoog News

W6 W5 W4 W3 W2 W1