U bood dhigaalka

SAWIRRO:- Madaxda Ugu Sareysa Dalka Oo Ka Qeybgashay Munaasabadda 1-da Luuliyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo loogu dabaal degaayay 55 Sano guuradii kasoo wareegtay markii ay Gumeysiga Talyaaniga ka xuroobeen gobalada Koonfureed ee dalka, islamarkaana ay midoobeen gobalada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya.

Munaasabadaan waxaa ka qeybgalay madaxda ugu sareysa dalka, sida madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf, waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa xubno ka mid ah Labada Gole ee baarlamaanka, gudoomiyaha Gobalka Banaadir, qaar ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka magaalada Muqdisho, marti sharaf lagu casuumay munaasabadda, fanaaniin, waxgarad, siyaasiyiin, iyo shacab fara badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed waxa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luuliyo, isaga oo ka hadlay qiimaha maalintaan ay leedahay iyo muhiimadda midowga umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaa la taagay Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana madaxweynaha uu salan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirada

L23 L22 L21 L20 L19 L18 L17 L16 L15 L14 L13 12 L11 L10 L9 L8 L7 L6 L5 L4 L3 L2 L1

Goobjoog News