U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Bulshada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladd Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu bartamaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose kula kulmay shacab badan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wehlinayey madaxweyne Farmaajo, waxaana ay la shaaheen shacabka Kismaayo qaarkood oo ay is xog wareysteen.

Waxa uu madaxweyne Farmaajo shacabka qaar weydiinayey xaaladda magaalada Kismaayo, iyo arrimo ammaanka ku saabsan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyey nabadda ka jirta Kismaayo, maadaama xilli habeen ah ay wada shaaheen isaga iyo dad shacab ah.

Qaar kamid ah shacabka Kismaayo ayaa iyana waxay su’aaleen madaxweyne Farmaajo arrimo kamid ah hammiga dowladdiisa ee ah in dalka isbedal degdeg ah gaarsiiso.

F6 F5 F4 F3 F2 F1

Goobjoog News