U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhoweeyay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhoweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe xubno ka tirsan Labada gole ee maamulkaasi iyo shacab aad u badan.

Shacabka madaxweynaha kusoo dhoweeyay garoonka Kismaayo ayaa watey boorar ay ku qoran yihiin erayo lagu soo dhoweynayo madaxweynaha, sidoo kalena lagu soo xardhay sawirada Farmaajo.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa loo galbiyey Madaxtooyada Kismaayo, halkaasi oo uu kula kulmayo madaxda Jubbaland.

Waxaa lagu wadaa in madaxweyne Farmaajo sidoo kale uu kormeero xerooyin ciidan oo ku yaalla Kismaayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

K4 K3 K2 K1