Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha cusub ee Maraykanka
Yamamoto, Dalalka Geeska Afrika wuxuu ka soo shaqeeyey Soomaaliya, Itoobiya, Djibouti iyo Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto.
Danjiraha Yamamoto ayaa madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto.
Haddaba, Waa Kuma Donald Yukio Yamamoto?
Donald Yukio Yamamoto waxaa uu ku dhashay Seattle, Washington 1953-dii, isaga oo ka qalin-jabiyey Columbia University.
Shaqo badan ayuu ka soo qabtay arrimaha dibadda waxaa ka mid ahaa: Kaaliyaha xogheyaha arrimaha dibadda September 3, 2017-July 23, 2018 iyo sarkaal sare oo howl-galay Kabul, Afgaanistaan, 2014–2015.
Yamamoto, waxaa uu aqoon fiican u leeyahay gobolkan geeska Afrika, waxaa uu horay u ahaa Madaxa howgalka Soomaaliya(2016) , Safiirka Mareykanka ee Itoobiya (2006–2009), Safiirka Mareykanka ee Djibouti (2000–2003), iyo sidoo kae Safiirkooda Eritrea (1997–1998).
Goobjoog News
Rowqzm kgsmxl Cialis mail order usa cialis 20 mg price walmart
Zxwqxg etxrqr Cialis in usa cialis over the counter at walmart
Noijkh hjfsqg viagra online order generic cialis 2019
Wcumgz fturgo 50mg viagra cialis discount
Uzukby qaiwmq canadian pharmacy Wqpqn