U bood dhigaalka

Sawirro: Maxaa Dhacay Maalinta 1aad ee Carwada Buugaagta Ee Mogadishu Book Fair?

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta si habsami leh Muqdisho uga qabsoomay carwada buugaagta ee Mogadishu Book Fair sanadkii 4ad, oo ay soo qaban-qaabisey New Horizon.

Ugu horreyntii,  waxaa goobta ka hadley guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yarisow isaga oo ku dheeraaday muhiimadda qoraalka iyo akhiska, Yarisow waxaa uu soo jeediyay in xil la iska saaro sidii loo heli lahaa xarun cilmi baaris, isaga oo ganacsatada ugu booqay inay maal-geshtaan, isla markaana dhiiri-geliyaan qoraalka.

Duqa Muqdisho waxaa uu carwada keenay gabdho agoon ah oo ay gacanta ku hayaan gobolka, tiradooda 60 ayuu ku sheegay, dadkii meesha joogay waxaa uu ku dhiiri-geliyey inay wax u akhriyaan.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isna goobta ka hadlayey isaga oo sheegay in ilbaxnimo kasta ay saldhig u tahay qoraalka, waxaa uu bogaadiyey qalinleyda Soomaaliya isaga oo soo qaatey in qur’aanka aayadda ugu horeysa ay tahay akhrinta boorineysa.

Waxaa dadkii carwada  ka hadlay ka mid ahaa Macalin Saciid Saalax oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota , waxaa uu xoogga saaray suggaanta iyo waxbarashada. Waxaa uu soo-jeediyay in xiliyadii hore dadka waxbarashada iyo wacyigelinta loo marin jiray Raadiyaha, sida macalinka Raadiyaha iyo xataa suugaanta.

Macalinta waxaa suugaantiisa ka mid ah “Alif la kor dhabay alif la hoos dhabay alif la goday ,  Aa alif alif la kor dhabay alif lagu reeb , Ii alif la hoos dhabay ya lagu reeb , Uu alif la goday woow lagu reeb “.

Xilligan waxaa uu sheegay in la adeegsan karo filimaan, sheekooyin, Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, isaga oo ku adkeeyay dhalinyarada inay sameeyaan suugaan saameyn leh, oo waxtar u leh bulshada.

Dadka iyagana dadka la hadlay waxaa ka mid ahaa Prof Morgan oo wax ka dhiga Gothenburg University, isaga wax bada ka hadlay luqadda iyo sugaanta, waxaa uu dadka la wadaagay sheekada “Three  Somali Language Coropra”. Prof Morgan waxaa uu dhiirigeliyey cilmi baarista iyo inay wax alifaan.

Dhinaca kale, waxaa  jiray doodo ay ka qeyb-galeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka soo qeyb-galyaasha ku dhiiri-geliyey akhrinta.

Goobjoog News