U bood dhigaalka

Sawirro: Maxaabiis Laga Soo Daayey Xabsiyo Ku Yaalla Itoobiya Oo La Keenay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gelinkii dambe ee maanta waxaa diyaarad weyn oo siddey maxaabis badan oo Soomaaliyeed ay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maxaabiistan ayaa laga soo daayey xabsiyo ku yaalla dalka Itoobiya oo ay muddo ku xirnaayeen, waxaana loo haystay dambiyo kala duwan.

Muuqaalka raggan maxaabiista ku ahaa Itoobiya ee dib u helay xorriyadooda ayaa ahaa mid laga dareemayey dhibaatooyika ay ku qabeen xabsiyadii ay ku jireen.

Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in siideynta maxaabiistan ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

”Maxaabiistani waxay ahaayeen qaar kood kuwo lagu xukumayy 20 sano oo xarig ah, siideynttodana waxay muujinaysaa wadashaqeynta ka dhaxeysa labada dal”

Maxamed Cali Nuur oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ayaa isna dhankiisa waxa uu dowladda Itoobiya uga mahadceliyey siideysmada maxaabiistan, isaga oo sheegay in tani ay tahay bilow aad u wanaagsan.

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre booqasho uu ku tagay magaalada Addis Ababa uu kula heshiiyay dowladdaasi iney sii daayaan maxaabiistaan Soomaliyeed.

Goobjoog News

4 3 2 1