U bood dhigaalka

Sawirro: Qaar Kamid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Weerarka Hotel Dayax Oo La Gaarsiiyey Isbitaalka Madiina

Sheeko:Dalka

Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxaa la geeyey qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii iyo sidoo kale weerarkii tooska ahaa ee maanta lagu qaadey Hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

In ka badan 30 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa la gaarsiiyey Isbitaalka Madiina, waxaana dadkaasi ku jirey Wariyeyaal.

Waxaa jira sidoo kale dad isbitaalka Madiina la geeyey iyaga oo Meyd ah, kuwaasi oo la dhigey qolka Meydka ee Isbitaalkaasi.

Weli dhaawacyo badan ayaa la geynayaa Isbitaalkaasi iyo sidoo kale Isbitaallo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Arag Sawirada

IMGL0182 IMGL0216 IMGL0218 IMGL0219 IMGL0254 IMGL0256 IMGL0259 IMGL0261 IMGL0264

Goobjoog News