U bood dhigaalka

SAWIRRO: Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax khasaare geystay ayaa maanta ka dhacay Isgoyska Maanabooliyo, degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ka dhex dhacay gaari nooca loo yaqaan Kaarib islamarkaana uu watey sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Sida gaariga ka muuqata qaraxan ayaa ka dhacay qeyb kamid ah gaariga, gaar ahaan dhanka darwalka uu xigo.

Sarkaalkii gaariga la socday waxaa soo gaarey dhaawac daran sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah, iyadoo loola cararey xarun caafimaad.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo Goobjoog News la hadlay waxay sheegeen  in qaraxan aanu geysan khasaare kale islamarkaana ay baaritaanno wadaan.

War kaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

15216007_1111288558969859_1342168892_o-copy

hg

gfgdfg

gf

15216007_1111288558969859_1342168892_o