U bood dhigaalka

Sawirro: Rag u Dashay Pakistan Iyo Iran Oo Lagu Qabtay Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose kusoo bandhigay 8 ruux oo u kala dhashay Pakistan iyo Iran, kuwaasi oo la sheegay iney ahaayeen kalluumeysato.

Raggan oo la socday doon kallumeysi ayaa howlgal ay ciidamada Jubbaland ka sameeyeen Kudhaa kusoo qabtay, waxaana 6 kamid ah u dhasheen Pakistan halka Labad kalena yihiin iiraaniyiin.

Sarkaal u hadlay Jubbaland ayaa sheegay in raggan sharciga la horgeyn doono lagu qaadi doono wuxuu sharciga qabo.

Waa markii ugu horreysay oo maamulka Jubbaland gacanta ku dhigo ajaaniib si sharci darri ah uga kalluumeysanayey xeebaha Jubada Hoose.

Xeebaha dalka si la mid ah raggan lasoo qabtay waxaa uga kallumeysta maraakiib iyo doonyo shisheeye, kuwaasi oo aan sharci ama fasax u haysan iney ka kalluumeystaan biyaha Soomaaliya.

Hoos ka arag sawirada:

05 04 03 02 01

Goobjoog News