U bood dhigaalka

Sawirro: Ra’iisul wasaaraha Oo Kormeeray Xarumo Lagu Qaadayey Imtixaanka Mideysan Ee Dugsiyada Sare

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeeray xarumo lagu qaadayey Imtixaanka mideysan ee Dusgiyada sare, magaalada Muqdisho.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha warbixin ku aadan imtixaankan ka dhageystay wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, waxaana sidoo kale Mr. Kheyre uu mid mid u dul istaagay arday Imtixaanka galeysay.

Kheyre ayaa sheegay in ay tahay arrin aad u wanaagsan in mar qura dalka oo dhan ay Imtixaanka shahaadiga ah u fariistaan in ka badan 23-kun oo arday.

Wuxuu tilmaamay in tani ay muujineyso in weli dalka uu leeyahay rajo aad u wanaagsan, isaga oo ku baaqay in la garab istaago dhallinyarada waxbaraneysa.

“In manta loo fadhiyo Imtixaanka dugsiyada sare oo ay galayaan 23 Kun, sidoo kalena gobollada Puntland ay ka galayaan 4000 waa maalin ahmiyad weyn leh, in 27 kun oo arday oo laga soo bilaabo Puntland illaa inta u dhaxeysa Jubbaland ay galayaan Imtixaanka dugsiga sare waa tilmaam muujineysa in dalkeenna uu leeyahay rajo wanaagsan…. Waxbarashadu waa sida kaliya ee aan uga bixi karno dhibaatada dalkeenna kusoo habsatay, wadankeenna fursad badan ayuu leeyahay waxaa muhiim ah inaan xooggeenna gelinno sidii lagu horumarin lahaa dhallinyarada” ayuu yiri Ra’iisu wasaaraha.

Waxaa maanta guud ahaan dalka ka furmay Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare, waxaana qaadeysa dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News

i2 i3 i5 i6