U bood dhigaalka

Sawirro: Saddex Qof Oo Ku Geeriyoote Shil Gaari Oo Ka Dhacay Sool

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in shil sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira uu saakay ka dhacay duleedka degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Gaari nooca loo yaqaano NOHA, kana baxay magaalada Gaakacyo ayaa la sheegay inuu ku rogmay meel ku dhow koontaroolka laga soo galo magaalada Laascaanood.

Inta la xaqiijiyey waxaa shilkaasi ku geeriyootey Saddex qof, waxaana ku dhaawacmay Labo kale, iyadoo sidoo kale uu burbur xoogga soo gaaray gaarigii ay dadkaasi la socdeen.

Goobta shilka uu ka dhacay waxaa gaarey saraakiil dhanka caafimaadka ah iyo shacab dadkaasi gurmad u fidinayey, waxaana dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday isbitaalka Laascaanood.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

SHIL3 SHIL2 SHIL1