U bood dhigaalka

Sawirro: Saraakiil Soomaali Ah Oo Tababar Loogu Soo Xiray Turkiga

Sheeko:Amniga

Dalka Turkiga ayaa waxaa tababar loogu soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno Soomaali ah, kuwaasi oo muddo tababarkaasi qaadanayey.

Tababarkaan oo ay sidoo kale ay ku jireen ciidan ka socday NATO, dalalka kale ee Africa iyo Asia ayaa xubnaha Soomaalida waxay tiro ahaan gaarayeen 63.

Gaashaanle Maxamed Tahliil Maxamed oo saraakiishan ka tirsan ayaa sheegay in tababarkaan mudadii uu socday ay waxbadan ka faa’ideen, isaga oo u mahadceliyey dowladda Turkiga.

“Waxaa nahay 63 oo saraakiil iyo saraakiil xigeeno ah,waxaan baranay Fakaltiyo kala duwan oo ciidanka Xooga Dalka ah,waxaan ku faraxsanahay in aan tababar la qaadanay ilaa 36 Dowladooda askartooda,kuwaasi oo ka kala socda NATO, Afrika iyo Assia intaba ka socda,aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta qalinjebino,waxaan aad u soo dhaweynaynaa oo aan ku faraxsanahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay halkani munaasabadda nagala soo qeybgalaan, mahad ballaaran ayaan u celinaynaa dowladda Turkiga oo walaalaha nahay sida ay inoo garab taagan tahay”. Ayuu yiri Tahliil.

Turkiga ayaa si weyn u taageera Soomaaliya, waxaana waxyaabaha uu ka taageero ka mid ah dhanka dib u dhiska ciidanka xoogga dalka, fulinta mashaariicyo horumarineed iyo arrimaha bini’aadannimada.

Goobjoog News