U bood dhigaalka

Sawirro: Shan Xisbi Oo Maanta La Diiwaangeliyey

Sheeko:Dalka

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta oo Isniin ah waxay diiwaangeliyeen Shan xisbi siyaasadeed.

Xisbiyadan ayaa ku biiraya 10 xisbi oo horey uu guddiga u diiwaangeliyey, waxayna wadarta guud xisbiyada diiwaangishan noqonayaan 15 xisbi.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashada qaran, Xaliimo Ismaaciiil Ismaaciil Ibraahim oo si kooban warbaahinta ula hadashay ayaa tiri “Waxay ka mid tahay tallaabooyinka aan horay uga soconno, oo aan ku faanno, waxaan mareynaa heer taariikhi ah, haddii shalay shaki ka jiray war Soomaaliya 2020 xisbi maluga gali-doonaa mise 4.5, manta waa caddahay, madaxda qaranka marka ay Baydhabo tageen waxaa ay gaareen go’aan taariikhi ah, oo ah Soomaaliya inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, xisbina lagu tartammo”.

Maxamed Maclin oo guddoomiye u ah xisbiga Xal-qaran ayaa isna u mahadceliyey guddiga madaxa banaan ee doorashada qaran.

“Anigoo ku hadlaya 5ta xisbi ee shahaadada qaadanaya, waxaan u mahadcelinayaa guddiga iyo madaxda xisbiyada horay shahaadada u qaatay, howl badan ayaan isla soo marnay, runtii 100% waan u mahadcelineynaa, umadda Soomaaliyeed nidaamka xiosbiyada waa soo martay 60-meeyadii, taariikh ayey ku leedahay, waxaa rajeyneynaa maanta in xisbiyada lagu duugi-doonaa qabyaaladda”

Xisbiyada la diiwaangeliyey:

  • Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka
  • Xibiga Cadaaladda iyo Badbaadada
  • Xibiga Shaqsiyadda iyo Wadaniyadda Soomaaliyeed
  • Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
  • Xisbiga Xal-qaran

Goobjoog News