U bood dhigaalka

Sawirro: Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Hannaanka Dib u Heshiisiinta Oo Ka Furmay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha wadatashiga qaran ee hannaanka dib u heshiisiinta, kaasi oo socon doona illaa 17-ka bishan.

Shirkan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka qeybgala Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirada arrimaha gudaha maamul goboleedyada iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa shirkaan diiradda lagu saari doonaa ka hadalka sida ugu haboon ee xalka looga gaari karo khilaafyada soo kala dhexgala Soomaalida iyo in la helo dib u heshiisiin guud.

Sidoo kale waxyaabaha looga hadli doono waxaa kamid ah sidii loo soo afjari lahaa colaadaha dalka kusoo noqnoqdey ee dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

004 003 002 001