U bood dhigaalka

Sawirro: Sidee Ra’iisul Wasaare Kheyre Loogu Soo Dhoweeyay Turkiga?

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah, ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dawlada Turki.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeelan doona Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyo qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dalkaas, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Ankara, maadaama ay si dhow ula socdaan xaalada Soomaaliya, waxuuna shacabka iyo madaxda dalka Turki uga mahed celiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan uga mahed celin walaalaha Turki, sidii ay uga damqadeen dhacdadii 14-ka bishan ka dhacday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, taas oo shacab badan ay ku waayeen noloshoodii qaarna ay ku dhaawac meen ” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqan doona dadkii ku dhaawac may qarixii isgoyska Zoope kuwaas oo la geeyay dalka Turkiga, si loogu soo daweeyo. Waxuuna indho indheen doonaa xaaladooda caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa madaxda wadanka Turki kala hadli doona xoojinta xiriika labada dal, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo waliba sidii loo sii dar dargalin lahaa mashaariicda uu dalka Turki ka wado Soomaaliya.

—DHAMMAAD—-

K5 K4 K3 K2 K1