U bood dhigaalka

Sawirro: Waa Sidee Xaaladda Deegaanka Tooratoorow Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidama dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaa deggan xaaladda deegaankaasi, iyadoo ciidamada Danab lasoo sheegayo in halkaasi ay ka wadaan howlgallo.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka G/lle Ismaacil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inta uu howlgalka  socday ciidamada iney  ku qabteen 10-katirsan Al-shabaab  oo uu ka mid yahay horjoogihii maxkamadda Gobolka Shabeellaha Hoose Macalin Abuukar oo haatan ku jira gacanta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, deegaanka Tooratoorow ee Shabellaha Hoose waxaa barakacay qoysas aad u badan, kuwaasi oo ka baqay in lagu dul dagaallamo.