U bood dhigaalka

Sawirro: Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Diyaarisay Goob Lagu Karaantiilo Dadka ay uga Shakiyaan Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay diyaariyeen goob lagu karaantiilo dadka ka imaanaya wadamada uu sida aad ka ah ugu faafay caabuqa Coronavirus.

Ilo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxa ay Goobjoog News u sheegeen in goobtaan oo ku taalla mid ka mid xarumaha caafimaadka ay ugu talagaleen dadka ay uga shakiyaan caabuqa Coronavirus ee ka imaanaya dalalka Shiinaha, Iiraan iyo Talyaaniga.

Shalay ayey ahayd markii muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Shiinaha lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka dibna lagu karaantiilay meel ka mid ah gudaha garoonka Aadan Cadde,

Goobtan, ayaana wasaaradda caafimaadka waxa ay ka taageeri doontaa xakamaynta dadka ay uga shakiyaan cudurka Coronavirus oo caalamka fara baโ€™an ku haya.

Halkan ka daawo sawirada

Goobjoog News