U bood dhigaalka

SAWIRRO:- Xaaladda Ay Ku Jiraan Dadkii Laga Keenay Yemen Ee Ku Sugan Boosaaso

Sheeko:Dalka

Nin dheer oo xiran koofiyadaha qoraxda oo dadka kula hadlaya cod-baahiye ayaa hor taagan teendho weyn oo laga dhexdhisay xarunta lagu hakiyo dadka ka yimid wadanka yemen ee ku taalla magaalada Boosaaso.

Sodomeeyo ruux oo Dumar u badan kuwaas oo intooda badanna xiran shukooyin madmadoow ayaa isaga hortaagan oo dhageysanaya magacyada la yeerinayo.

Dadka ayaa magacyadooda la yeerinayaa si loo siiyo lacago dhowr boqol oo doolar ah si loogu amba-bixiyo deegaanada ay doonayaan in loo raro.

Qoysas badan oo dadkaasi oo kale ahaa ayaa horay u qaatay lacagta isla markaana loo raray deeganadii ay doorteen in la geeyo.

Dadka wajiyadooda iyo dareen ahaanba kama muuqdaan culeysyo dhinaca nolosha ah oo ay xilligan qabaan, laakiin waxaa jira Dal-tabyo ay u qabaan deegaanadii ay markii hore soomaaliya inteeda kale ka deganaayeen iyo hilow dadkii ay ehelka iyo asxaabta ahaayeen oo ku nool deegaano kale.

Cali aadan qaasim axmed oo ka mid ah dadka yemen ka yimid ee ku jira xarunta ayaa yiri: “Runta in la sheegaa fiican, meeshan nolosheeda aad ayay u fiican tahay, waxaanu helnaa qado, quraac, iyo casho, xittaa marka aan casheyno ayaa haddana caano nala siiyaa, kaliya waxa aan sugeyno waa in deegaanadeena naloo raro”

Dadku halkan waxay ku heystaan nolol aad u qurux badan marka loo bar bar dhigo noloshii yemen ay ugu noolaayeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay uga fiican.

Safiyo nuur aadan oo wadata dhowr carruur ah waxay deganeyd magaalada cadan ee wadanka yemen halkaasoo dagaallo xoogan ay ka jireen, iyadoo isbar-bar dhig ku sameyneysa noloshii cadan ee mudooyinkii ugu dambeeyey iyo tan ay maanta heysato ayay tiri:

“Cadan aan deganeen xaaladeedu aad ayay u xumeyd, walaahi nolosha meeshaan aad ayay u fiican tahay sadexda waqti ayaan cunnaa, carruurta wax walba ayaa la siiyaa, daryeel caafimaadna waan helnaa, dadka daryeelka caafimaad helay waxaa ka mid ah aabaheey iyo walaalkeey oo xannuunsanayey oo cusbitaal la geeyey oo lasoo daweeyey”

Xarunta dhexdeeda ayaa loogu kariyaa cunnada sadexda waqti, iyaga oo weliba lagala tashado hadba nooca cuna ah ee ay doonayaan in maalintaas loo kariyo.

Halkan waa jikada cunada loogu kariyo dadka xerada ku jira, waxaa iga hor muuqanaya neef weyn oo lo’ ah oo daqiiqado ka hor la Gowracay isla markaana la maqaar bixiyey, ilaa afar qof oo rag ah ayaa neefka gowracan ku hareereysan si ay hilibkiisa u jarjaraan.

Kiin xaamud cabdi waa madaxa jikada waxay eegtaa hadba baahida jirta iyo tayada cunada loo karinayo dadka xerada ku jira iyo habka qeybinta intaba.

Iyada oo goobjoog News u warrameysa waxay tiri: “Si caadi ah ayay howsha jikada u socotaa, dadku waxay helaan sadexdooda waqti oo cunto ah, maanta oo kale waxaan u qalnay neef lo’ ah waxaan siinaa bariis baa la siiyaa, sadexda waqti quraac qado iyo cashaba waa la siiyaa” 

Caruurtu waa kuwo aad ugu faraxsan meesha ay maanta joogaan inkastoo ay weli rajeynayaan in la geeyo meelo kale oo ay iyagu jecleysanayaan in ay ku noolaadaan.

Dadka Xaruntan jooga ma ahan oo kaliya qoysaska soomaalida ee dagaalada yemen kasoo cararay, balse waxaa jira kuwo yamaniyiin ah iyo kuwo kale oo yamaniyiin iyo soomaali ay iska dhaleen.

Raxma waa gabar yar oo Yemeni ah waxay deganaayeen xadarmuud intii aysan dagaalada kasoo cararin waxay ka mid aheyd ardeyda fasalka afraad ee dugsiga hoose.

Waxay la socotaa hooyadeed oo maqalka la’ iyo dhowr caruur oo walaalaheed ah, waxay hadda dareemeysaa farxad iyo wel-wel la’aan laakiin waxay rajeynesaa in ay si dhaqsa ah ula midoowdo qaar ka mid ah xubnaha qoyskeeda oo magaalada muqdisho ku nool.

Raxma waxay ii sheegtay in wax dhibaato ah aysan u arkin sida ay halkan ugu nool yihiin balse ay iska jiraan waxyaabo yar yar oo dhinaca caafimaadka ah.

Waxay igu tiri: “Xaaladda meeshan aad ayey u fiican tahay balse, wax xoogaa waxaa iska jira culeysyo dhinaca la qabsiga jawiga, walaaladeey waxay dareemayaan xasaasiyad waxaa laga yaabaa in ay ku xanuunsadeen kuleylka jira.

Maxamed Muxsin Cabdi waa aabe kasoo cararay dagaalada yemen, hayeeshee sida uu ii sheegay qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa ayuu uga soo tagay Magaalada mukalla ee wadanka yemen, wuxuu aad uga mahad celiyey sida magaalada boosaaso loogu soo dhaweeyey.

Wuxuuna si gaar ah u amaanay nolosha uu ka helay xeradan oo loogu tala galay in dadka yemen ka imaanaya lagu nasiyo illaa dadka deegaanadooda loogu amba-bixinayo.

Wuxuu yiri: “illaah ayaa mahad iska leh kun milyan oo jeer baanu ka mahad celineynaa sida naloo soo dhaweeyey iyo nolosha fiican ee aanu halkan ka helnay, waxaanu helnaa dhamaan baahiyaheen iyo wax kasta oo aanu dalbano. Laakiin waxaa weli iska jira daalkii safarka, sababtoo ah afar maalmood ayaanu safar kusoo jirnay, hadduu eebe idmo waxan rajeyneynaa in maalinta berito ah aan muqdisho u ambabaxno, sababtoo ah qaar kale oo qoyskeyga ah ayaa mukala ku nool waa qasab inaan usii diyaariyo meeshii aanu degi laheyn, waayo ah halkaas dagaalo iyo dhibaatooyin ayaa ka jira inta ay xaaladdu ka degeyso muqdisho ayaanu iska joogi doonnaa.

Xaliimo waa mid ka mid ah dhaqaatiirta heeganka ku ah xerada, waxaan weydiiyey sida uu yahay daryeelka caafimaad ee la siiyo dadka xerada ku jira, qeybaha ay yihiin dadka ugu badan ee xerada ku xanuunsanaya iyo xuunada inta badan ay la tacaalayaan.

“qeybtan waxaan u qaabilsanahay Midwife baan ahay, een waxaanu bixinaa daawooyinkaas caadiga ah oo meesha yaalla, wixii siyaada ah qabana sida hadda dadka lagaaga sheekeynaayo oo kale wixii shuban qaba, wixii macaan qaba, wixii dhiig-kar qaba, iyo wixii siyaado oo jira waxaanu geynaa dhaqtarka (cusbitaalka)”

Halkan waa bakhaar weyn oo lagu keeydiyey noocyo badan oo cunno iyo biyo ah, waxaa sidoo kale yaalla dhar, bustooyinka dhaxanta, joodariyaal iyo barkimo, waxaa si gaar ah iisoo jiitay oo bakhaarka ka buuxa suudat loogu tala galay in loo qeybiyo dadka marka lasii amba-bixinayo si ay dhaxanta uga xirtaan.

waxaa xusid mudan in suudadku ay muqdisho iyo magaalooyinka kaleba aad uga qaalisan yihiin dharka noocyadiisa kale, si kastooy ahaataba waxaa la iisheegay in loo eegay baahida dadkan gurmadka loo sameynayo.

Cumar cismaan saciid gudoomiye ku xigeenka xarunta qaabilaadda dadka ka imaanaya yaman oo aan la kulmay ayaan weydiiyey si guud xaaladda nololeed ee ka jirta xerada, wuxuuna yiri:

“Walaahi annagu waxaan niraahnaa warku waxa weeye xalaal iftiin baa la quutaa, warkaas oo meel walbaba yaal aad baan ugu faraxsan nahay inaad marqaati ka noqotaaniin, hadda waxaad tagteen jikadii, waxaad tagteen qeybta caafimaadka, haddana Store-kii baan joognaa waxaa yaalla cunadii, biyihii, dharkii iyo wax walba oo indhaheeygu qabanayo”  

Dadka aan kula kulamay xerada lagu nasiyo dadka ka imaanaya wadanka yemen e ku taalla magaalada boosaaso ayaa ii muujiyey in ay dareemayaan in gurmad iyo garab buuxa ay si joogto ah uga helayaan walaalahooda qeybaha bulshada oo halkan si joogto ah ugu soo booqanaya iyo hey’adaha samafalka oo dadaal dheeraad ah bixinaya.

Halkaan Hoose ka Arag Sawirada

DSC04669 DSC04695 DSC04652 DSC04653 DSC04668 DSC04711 DSC04707 DSC04704 DSC04684 DSC04719 DSC04715 DSC04666 DSC04670 DSC04673 DSC04678 DSC04713 DSC04703 DSC04655 DSC04662 DSC04663 DSC04671 DSC04688 DSC04691 DSC04693

 

Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

Sawir Qaade:- Maxamed Salaad Cismaan

Goobjoog News.

Boosaaso – Soomaaliya.