U bood dhigaalka

Saxafiyaddii Caanka aheyd Ee Shiireen Abu-Aqla Oo ay Toogteen Ciidamada Israel

Sheeko:Amniga

Saxafiyad Shireen Abu-Aqla oo Aljazeera uga soo warami jirtay Daanta galbeed ee dhulka falastiin ayaa saaka waxa toogtay Ciidmaada Yuhuuda.

Shireen oo da’deedu lagu sheegay 51sano ayaa ahayd Ruugcadaa saxafadeed, 25kii sano ee lasoo dhaafay waxay ka tirsanayd muuqbahiyaha Afka dheer Ee aljaziira waxaana lagu xasuusta tabintii gabood falladii foosha xumaa ee Yuhuuda ka gayesteen dhulka fakstiin sanadkii 2002.

Toogashadan ayaa timi kadib markii ay saxafiyadu tabinaysay, weerar ay goor hore oo wabarigii saaka ah, ciidamadama Isreal kusoo qaadeen Kaamka Jiniin ee daanta galbeed ee dhulka ay haysato Isreal.