U bood dhigaalka

Suxafiyiinta Gobalka Hiiraan Oo Hogaan Cusub Doortay (Sawirro)

Sheeko:War

Suxufiyiinta ka howlgala gobalka Hiiraan ayaa doortay hogaan cusub 12-ka bilood ee soo socota.

Doorasho ka dhacday magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa lagu doortay gudoomiyaha ururka saxafiyiinta gobalkaasi, ku xigeenkiisa iyo sidoo kale xoghayaha ururkaasi.

Waxaa doorashadaan ka qeybgalay 74 suxufi, waxaana gudoomiye loo doortay Jamaal Cali Yare oo helay 40 cod, gudoomiye ku xigeen Cismaan Aadan Careys oo isna helay 34  cod, halka xoghayaha urukana loo doortay Saadaq Cumar Carte oo helay 22 cod.

Madasha doorashadu ay ka dhaceysay waxaa ku sugnaa Odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha cusub ee ururka saxafiyiinta Gobalka Hiiraan Jamaal Cali Yare ayaa mar uu hadlay waxa uu ballan qaaday in uu la imaan doono shaqooyin badan oo ay ugu horreyso sidii saxafiyiinta gobalka ka howlgala loo hormarin lahaa aqoontooda saxaafadeed, iyo inay helaan xuquuq walba oo suxufi Soomaaliyeed leeyahay.

Goobjoog News

16 15 14 13 12

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

002

????????????????????????????????????