U bood dhigaalka

Shirkadda Sealite Oo Dowladda Soomalaiya Siin Doonta Qalabka Fish-Aggregating Devices Si Faqriga iyo Kaluun La’aanta Looga Baxo.

Hey’adda “the Food and Agriculture Organization of the United Nations. The FAO ayaa Soomaaliya ugu deeqday Mashino ama qalab loo yaqaano Sealite kaas oo Kaluumeysiga wax badan ka tari doono.
FAO ayaa la sheegayaa in ay arrintan u sameysay sidii loo caawin lahaa dalkan faqiirka ah sidii ay u heli lahaayeen dakhli ku filan.
Madaxa shirkadada Sealite oo hadlayey ayaa sheegay in qalabkan uu qeyb ka qaadan doono ciribtirka Baahida, Nafaqo darrida.
Qalabkan waxaa uu sidoo kale keenayaa in Kaluumeysatada ay helaan Malaay ku filan oo wax badan dalka ka caawin doona sidii loo heli lahaa Kaluun badan.
Shirkaddan waxaa ay xarunteeda ku taalla Australia, waxaa ay warshadaheeda ku yaallaan wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska.
Shirkaddan waxaa sidoo kale la sheegayaa in ay wax badan ka tareyso xagga deegaanka, caafimaadka iyo nadaafadda iyo xitaa ilaalinta xayawaanka.

Gobjoog News