U bood dhigaalka

Seddax Kursi Oo Lagu Doortay Muqdisho, Dhamaan Waa Loo Tanaasulay!

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay doorashada seddax kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Somaliland.

Kuraasta maanta la doortay ayaa kala ah HOP#244, HOP#37 iyo  HOP#238, kuwaas oo doorashadooda ay baaqayatay 24 bishaan.

1 Kursiga irsigiisu yahy Hop#244 ayaa waxaa ku tartamay Musharax xildhibaan, Kaltuun Xayir Jaamac iyo Musharax Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud, waxaana guuleystay musharrax Siciid Maxamed Maxamuud, kadib markii ay u tanaasushay Kaltuun oo aheyd ruuxii la tartamayey.

2 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#128 ayaa waxaa ku tartamay musharrax xildhibaan Maxamed Abdiraxmaan Xeyle iyo musharrax xildhibaan Maxamed Faarax Cali waxaana ku guuleystay Maxamed Cabdiraxmaan Xeyle oo helay 98 cod halka, halka musharraxii la tartamay uu helay 3 cod waxaana halaabay.

3 kursiga tirsigiisu yahay Hop#37 ayaa waxaa ku tartamay musharrax xildhibaan Marwo Ifrah Maxamed Cawad, iyo musharrax xildhibaan Caasho Cabdullaahi Warsame, taas oo u tanaasushay Marwo Ifrah Maxamed Awa doo heshay 99 cod sidaasna ku noqotay Xildhiiban golaha shacabka ah.

Xildhibaannadaan deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqaayi ayaa waxaa ay kamid noqon doonaan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado doorashadooda in lasoo gabagabeeyo 25 bisha soo aadan ee February 2022. Guud ahaan golaha.

Goobjoog News