U bood dhigaalka

Seddax Musharrax Oo Usoo Gudbay Wareega 2-aad Ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw soo gaba gabowday wareega 1-aad ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ay ku tartamayeen 6-musharrax.

Xildhibaanada Baarlamnaanka Galmudug ee codeeyay ayaa ah tiradooda 89, waxaana musharraxiinta ay codadka u kala heleen sidan:-

  1. Axmed Cabdisalaan oo helay 12-cod
  2. Axmed Macalin Fiqi oo helay 29-cod
  3. Cabdikariim Xuseen Guuleed oo helay 29 cod
  4. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo helay 6 cod
  5. Maxamed Cilmi Afrax oo helay 10 cod
  6. Xasan Maxamed Nuur Qalaad oo helay Seddax cod.

Hadaba sida uu horay guddiga u sheegay waxaa wareega Labaad usoo gudbaya mushharaxiinta ugu codka badan, waxaana guddiga doorashada uu shaaciyay in wareegaasi usoo baxeen musharaxiinta kala ah.

  • Axmed Macalin Fiqi
  • Cabdikariin Xuseen Guuleed
  • Axmed Cabdisalaan.

 

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News