U bood dhigaalka

3 Qof Oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ugu Yaraan Seddex Qof Oo Ku Dhimatay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Hiiraan Halka Tiro Kalena Ay ku Dhaawacantay

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya gobolka Hiiraan dagaal beeleed halkaas ka socda ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

Inta la og yahay illaa iyo iminka waxaa dhintay seddex qof oo dhammaantood qeyb ka ahaa dagaalka halka ay tiro kalena ku dhaawacantay.

Waxaa la soo warinayaa in weli rasaas laga maqlayo galbeedka Baladweyne qiyaastii 20KM oo ah dhul buuraleey ah oo malleeshiyo beeleedyadu ku dagaallamayaan.

Malleeshiyo beeleedyadani ayaa muddooyinkii dambe ku dirirsanaa galbeedka magaalada Baladweyne waxaana gudaha magaalada ka dhacay dilal ku saleysan colaadda labadooda beelood ka dhaxeysa.

Goobjoog News